WAXBARASHADA CIIDAMADA DALKA

WAXBARASHADA CIIDAMADA DALKA.
Kulan lagu falanqaynayey sidii loo bilaabi lahaa barnaamij kor loogu qaadayo Waxbarashada Ciidamada gaar ahaan xirfada Akhris-Qoraalka (Literacy skills) ayaa maanta ka qabsoomay hoolka Wasaaradda Waxbarashada JSL.
Kulankan waxaa kasoo qayb galay Wasiir kuxigeenka WW&S Axmed Xasan Nuur, Agaasimaha Guud ee WW&S Axmed Abokor Maxamed, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Dadban iyo Saraakiil sar sare oo ka tirsan laamaha kala duwan ee ciidamada dalka, sida Ciidanka Asluubta, Ciidanka Qaranka, Ciidanka Bilayska, Ciidanka ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Socdaalka.
Kulanku wuxuu kusoo dhamaaday is-afgarad waxaana loo balamay kulan kale oo lagu sii ambaqaadayo qodobadii lagu heshiiyey.
Hiigsiga Wasaaradda Waxbarashadu waa in dhamaan muwaadiniinta Somaliland oo ciidamaduna ku jiraan ay waxna qoraan waxna akhriyi karaan.