Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo Sayniska JSL Md. Axmed Maxamed Diiriye "Toorno" oo ku sugan magaaladda Burco ayaa saaka subixii hore safka kala qaybgalay ardayda dhigata dugsiga Sheekh Ibraahim ee

Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo Sayniska JSL Md. Axmed Maxamed Diiriye "Toorno" oo ku sugan magaaladda Burco ayaa saaka subixii hore safka kala qaybgalay ardayda dhigata dugsiga Sheekh Ibraahim ee magaaladda Burco.
Ardayda ayaa Wasiirka waydiiyay su'aalo ay ka mid yihiin buugta Manhaj ka Waxbarashada dalka iyo Imtixaanadka.
Guddoomiyaha gobolka Togdheer Ibraahim digaale maxamed, Maamulaha dugsiga Sheekh Ibraahim oo munaasibadan ka hadlay aayaa Wasiirka uga warbixiyay xaaladda dugsiyada magaalada burco iyo tirada arday dugsigan Sheekh Ibraahim dhigata.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo Sayniska Somaliland Md. Ahmed Maxamed Diiriy Toorno, ayaa ardayda uga jawaabay su'aalihii ay waydiiyeen, waxaannu ka hadlay in guud ahaan dalka ay ka hirgashay midaynta dirayska ardayda dalka Somaliland.