Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL Dr.Cabdixakiim Siciid Muuse ayaa maanta ka furay hudheeka Maansoor ee magaalada Burco tabobar loo qabtay guddiyada horumarinta waxbarashada d

Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL Dr.Cabdixakiim Siciid Muuse ayaa maanta ka furay hudheeka Maansoor ee magaalada Burco tabobar loo qabtay guddiyada horumarinta waxbarashada degmooyinka kaas oo ay ka soo qayb galeen, guddiyadda 22 degmo iyo dhammaan guddoomiyayaasha waxbarashada 14 gobol ee dalka.
Ugu horeyn, waxa shirkan iyo ujeedooyinkiisa ka xog waramay agaasimaha waaxda maamul wadaaga ee WW&S Cabdiraxmaan Maxamed Axmed waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; si loo horumariyo nidaamka waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland waxay wasaaradda waxbarashadu abuurtay guddiyo horumarineed oo dhanka waxbarashada ah, kuwaas oo laga soo xulay bulshada qaybaheeda kala duwan.
Haddaba, si ay guddiyadda waxbarashada dalku iskula wada jaan-qaadaan, dhammaantood oo loo gaadho ahdaafta iyo siyaasadaha waxbarashada qaranka waxan go'aansaanay wasaarad ahaan, in aan qabano tobarkan lagu kobcinayo nidaamka waxbarashada guddiyadda horumarinta waxbarashada degmooyinka oo ay ka soo qayb galeen 22 degmo.
Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Togdheer Ibraahim Digaale Maxamed oo isaguna munaadibadaa ka hadlay ayaa hadal soo dhaweyn ah munaasibadaas ka soo jeediyey, maadaama oo gobolkiisii tabobarkan lagu qabtay.
Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka JSL Daa'uud Axmed Faarax oo munaasibadaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada guddiyada horumarinta waxbarashadu u leeyihiin kobcinta iyo kor u qaadka waxbarashada dalka.
Geesta kale, guddoomiyuhu waxa uu u soo jeediyay guddiyadda horumarinta waxbarashada degmooyinka in ay kala shaqeeyaan la dagaalanka qishka imtixaanka oo sida uu sheegay baryahan danbe ragaadiyey waxbarashadii dalka.
Agaasimaha waaxda qorshaynta iyo siyaasadda ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL Cabdiqaadir Cabdilaahi Jeex ayaa isaguna ku dheeraaday ujeedooyinkii loo abuuray guddiyadda horumarinta waxbarashada iyo marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray bar-bilawgii guddiyadda horumarinta waxbarashada iyo waxyaabaha laga filayo.
Madaxa waxbarashada hay'ada caalamiga ah ee UNICEF Safiya Jibriil Cabdi ayaa iyaduna munaasibadaa ka soo jeedisay hadal muhiim ah kaas oo ujeedadiisu ahayd sidii gacmaha la iskugu qabsan lahaa tayeynta waxbarashada ardeyda dalka si ay inoogu soo baxaan dad hal abuur leh oo wax ka bedeli kara nolosha iyo mustawaha ay maanta Somaliland ku sugan tahay.
Duqa magaalo madaxda gobolka Togdheer Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi (hero) oo munaasibadaa ka hadlay ayaa sheegay, in loo baahan yahay sidii isbedel dhab ah loogu samayn lahaa nidaamka waxbarshada dalka isla markaana la xisaabtan dhab ah la sameeyo si loo gaadho ujeedooyinka siyaasadeed ee siyaasadda waxbarashada dalka loo fulin lahaa.
Geesta kale, Maayar Cabdirsaaq waxa uu sheegay in ay ka deegaan ahaan, diyaar u yihiin wax kasta oo dhankooda looga baahan yahay oo lagu horumarinayo waxbarashada dalka.
Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Nafaqo ayaa isaguna bogaadiyey shirkan waxaanu ka soo qayb galayaasha u soo jeediyey, in dhan looga soo wada jeesto horumarinta waxbarashada degmooyinka dalka si loo gaadho horumar iyo isbedel dhab ah oo qaranka lagu sameeyo.
Agaasimaha guud ee WW&S Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyey furitaanka tabobarkaas. Waxaanu xusay, in ay ka wasaarad ahaan ay ka go'an tahay sidii loo horumarin lahaa nidaamka waxbarshda dalka guud ahaan. Sidaa darteed, waxa uu ka soo qayb galayaasha u soo jeediyey in ay dhankooda u diyaargaroobaan is bedel dhab ah oo lagu sameeyo waxbarshda JSL.
Sidoo kale, agaasimaha guud ee WW&S ayaa sheegay in ay dugsitada dalka u samayn doonaan nidaam maaliaydeed oo lagu maamuli doono dakhliga yar ee laga qaado ardeyda dugsiyada dalka.
Ugu danbayn, wasiirka kuxigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL Dr.Cabdixakiim Siciid Muuse ayaa tabobarkaa si rasmi ah u furay, waxaanu ka soo qayb galayaasha kula dardaarmay, in ay tabobarkan si hufan uga faa'iidaystaan isla markaana ay falanqayn iyo xog is weydaarsi ku sameeyaan sida loo horumarin karo waxbarashada dalka.