Wasaaradda Waxbrashada iyo Sayniska JSL Ayaa Bilowday Qeybinta Bugaagta manhajka Qaranka.

Wasaaradda Waxbrashada iyo Sayniska JSL oo ka wakiila xukuumada ayaa bilowday qeybinta bugaagta manhajka qaranka ee loogu talo galay degmooyinka iyo gobolada dalka, gaar ahaana ardayda wax ka barata dugsiyada dawliga ah.

Buugaagtan oo tiradoodu dhamayd 390261 buug ayaa ah buugaag uu madaxweynaha JSL ugu talo galay in la gaadhsiiyo ardayda kala duwan ee wax ka dhigata dugsiyada dawliga ah.

 

Munaasibada lagu ambabixinaayay buugaagtan ayaa waxa kasoo qayb galay wasiirka, wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarasahada iyo xubno ka mida agaasime waaxeeda wasaaradda waxbarashada.

Ugu horayn Agaasimaha waaxda waxbarashada tooska iyo Agaasimaha waaxda xog-isgaadhsiinta oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay buugaagtan halka lagayn doono iyo sida loo qaybinayo.

 

Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarasahda oo hadalka iska daba maray ayaa sheegay in buugtan loogu talagalay ardayda kala duwan ee dugsiyada dawlada wax ka dhigata, iyagoo fariin u diray gudoomiyeyaasha gobolada iyo maamulayaasha in ay xil wayn iska saaraan sidii buugaagta loo gaadhsiin lahaa ardayda.

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL.