Wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska JSL ayaa shaqaalaysiin doonta 600 oo macalin

Imtixaanka Macalimiinta Ku meel-gaadhka ah.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Dr Axmed Aadan Buuxane oo ay weheliyaan gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha, Badhasaabka iyo maayir ku xigeenka gobolka Saaxil ayaa magaalada Berbera ka furay imtixaanka macalimiinta ku meelgaadhka ah ee ka hawl gala gobolkaas.

Macalimiintan oo tiradoodu dhamayd 201 macalin ayaa u fadhiistay imtixaanka, waxaana ay ka kala yimaadeen dhamaanba gobolka Saaxil deegaanada hoos yimaada.



Xafiiska Warbaahinta WW&S JSL.