War Murtiyeed:- Wasiirka Wasaradda Waxbarshadda Iyo Sayniska


Xafiiska Wasiirka Wasaarada waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyada Somaliland.

Ku: Gudoonka Waxbarashadda ee Gobolladda iyo Degmooyinka Dalka Jsl.
Og: Agasime Waaxedyada WWS
Og: Agaasimaha Guud ee WWS
Og: Wasiir Kuxigeenka WWS
Og: Taliyaha Ciidanka Booliiska Jsl
Og: Wasiirka Arrimaha Gudaha Jsl
Mudaneyaal/Marwooyin

Salaan qiimo iyo qaayo leh ka dib, anigoo ka duulaya muhiimadda ay degenaanshaha iyo xasilooniddu u leeyihiin habsami u socodka iyo horumarinta waxbarashadda, iyo masuuliyadda inagga saaran bad-qabka ardayda, hawl-wadeenadda iyo hantida waxbarashadda waxaan idinku wargelinayaa inay ka reeban tahay dhamaan ardayda iyo hawl wadeenadda waxbarashaddu inay ka qayb qaataan isu-soo-bax xeerarka dalka baalmarsan.
Sidoo kalena, waxaa la idin farayaa inaad soo gudbisaan magaca arday iyo hawl wadeen waxbarasho oo ay ku cadaato inuu/inay ka qayb galay/gashay banaan aan ogolaansho rasmi ah aan ka haysanin Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jsl ama falal wax u dhimaya degenaanshaha iyo xasiloonadda Dalka hadal, qoraal ama qof ahaan si looga qaado talaabo anshax marineed oo waafaqsan xeerka iyo xeer nidaamiyeyaasha waxbarashadda Dalka.
Waalidiintana waxaa laga codsanayaa inay ubadkeena ku waaniyaan inay sharciga raacaan oo ay xasiloonida ilaaliyaan.
Waxaanu ka digaynaa in ardayda 12-ka sanadood iyo kuwa 8-da sanadood wax soo baranayay aan laga qalin daarin imtixaankooda oo Sabtida bilaabmaya.
Ubadka heerarka waxbarasho ka gudbaya waa Mustaqbalka dalku uu leeyahay, si ay uga dhabeeyaan hamigii iyo rajadii waxbarasho ee ay lahaayeen Waa in aynu garab istaagno Dawlad iyo shacaba.
Hadaba Cid kasta oo ardayda waxbarashadooda iyo imtixaankooda hagardaamaysaa waxaa loo aqoonsanayaa inaanay dan iyo muraad toona ka lahayn mustaqbalka ubadkeena, waalidkii ku soo tabcay iyo qaranka Somaliland toona.
Allah Mahad leh