qalinjabinta ardey dhammaysatay kulliyadaha kala duwan ee jaamacada Rift Valley faraceeda magaalada Hargaysa.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL Dr.Cabdixakiim Siciid Muuse ayaa maanta ka qayb galay munaasibad qalin jabin ah oo loo sameeyey ardey dhammaysatay kulliyadaha kala duwan ee jaamacada Rift Valley faraceeda magaalada Hargaysa.

Wasiir kuxigeenka ayaa ardeyda qalin jabisey ku booriyey in ay dalkooda ugu adeegaan aqoontaa ay barteen, isla markaana halkaa ay ka sii wadaan hayaanka waxbarasho