Masuuliyiinta Ugu Sarsareeya Wasaradda Waxbarshadda iyo Sayniska oo Dugsiga Salaama kala qayb qaatay xalinta kacdoon ardaydu sameeye.

Masuuliyiinta Wasaardda Waxbarashada iyo Sayniska JSL oo ay hogaaminayaan Wasiir WW&S Md Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo Agaasimaha Guud Md Axmed Abokor Maxamed ayaa gaadhay dugsiga sare èe SAlAAMA ee inamada oo ku yaala magaalada Hargeysa. Dugsigan oo ay maanta ardayda dusigu ka sameeyeen rabshad gudaha dugsiga waxaa isla markiiba soo gaadhay xaruunta dugsiga laamaha amaanka ee kala duwan.
Wasiirka WW&S, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Badhasaabka gobolka M/jeex ayaa warbaahinta kula hadlay afaaf ka hore ee dugsiga iyagoo ka digay inla jabiyo sharciga u dajisan waxbarashada dalka.
Dhacdadan laamaha amaanka ayaa baadhaya Dugsiguna sidiisii caadiga ahayd ayuu u shaqayn doona.