Guddida Waxbarashada Qaranka ayaa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa

Hargeisa: May 2023. Guddida Waxbarashada Qaranka ayaa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kulanka oo uu gudoominayey Gudoomiyaha Guddiga Prof. Suleiman Ahmed Guled. Waxaana kulanka Guddiga ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Mudane Axmed Maxamed Diriye, Agaasimaha Waaxda Manaahijta, Gudoomiyaha Kuliyada Tababarka Macalimiinta ee WWS iyo La-taliyaha dibu-eegista Manhajka dugsiyada hoose ee WWS.

Kulankan oo laga wada-hadlay halka uu marayo hawsha dib-u-eegista iyo horumarinta manhajka dugsiyada hoose dhexe, oo ay bilihii u danbeeyey Waaxda Manaahijtu gacanta ku haysay.

Intii kulanku socday waxaa laysla qaatay in hawsha horumarinta iyo dibu-eegista Manhajka dugsiyada hoose dhexe si dhakhso ah loo dhamaystiro, ayna ka wada-qayb qaataan Waaxda Manaahijta iyo Guddiga Waxbarashada Qaranka.
Xafiiska Warbaahinta W.W&S JSL.