Deeq-waxbarasho oo ay dhawaan Wasaaradda Waxbarashada JSL ka heshay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya

Agaasimaha Guud ee Wwasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Md. Axmed Abokor Maxamed ayaa maanta faah'faahin ka bixiyey Deeq-waxbarasho oo ay dhawaan Wasaaradda Waxbarashada JSL ka heshay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud waxa uu maanta shaaciyey 300 oo macallin oo ay sannadkan 2021 la shaqaalaysiin doono iyadoo la raacayo nidaamka shaqaalaysiinta ee Hay'ada Shaqaalaha Dowlada.