BEENIN WARAR BEEN ABUUR AH


BEENIN WARAR BEEN ABUUR AH





Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka JSL Daa'uud Axmed Faarax waxa uu si adag u beeninayaa warar been abuur ah oo baraha bulshada qaarkood lagu qoray kaas oo ahaa in natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada 8-aad ee dugsiga dhexe iyo fasallada 4-aad ee dugsiga sare la shaacin doono maalinta khamiista ah ee ay taariikhduna tahay 2/9/2021. 

Sidaa darteed, waxa uu guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka JSL Daa'uud Axmed Faarax u sheegayaa ardeyda iyo bulshada reer Somaliland ba in aanu warkaasi sal iyo raad toona lahayn. 

Sidoo kale, waxa uu digniin adag u diray dadkan caadaystay baahinta wararkan been abuurka ah ee bulshada lagu jahawareerinayo. Waxaanu xusay in ay sharciga la tiigsan doonaan cida wararka noocan oo kale ah baahinaysa haddii aanay ka waantoobin.

Geesta kale guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranku waxa uu sheegay, in imtixaanaadka shahaadiga ahi marayo marxallad gabogabo ah, isla markaana ay dhawaan soo saari doonaan natiijada rasmiga ah ee imtixaanaadka shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2020-2021.