MINNEAPOLIS IYO XAFLADDII MAY 18, 2022. Xafladda May 18, 2022 oo si qurux badan loo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen dad 1,000 kor u dhaafaya ayaa lagu qabtay magaaladda Minneapolis Weyn (Greater Mi

MINNEAPOLIS IYO XAFLADDII MAY 18, 2022.
Xafladda May 18, 2022 oo si qurux badan loo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen dad 1,000 kor u dhaafaya ayaa lagu qabtay magaaladda Minneapolis Weyn (Greater Minneapolis), gaar ahaan St Paul oo ah caasimadda gobolka Minnessota ee dalka Maraykanka.
Xafladdaa waxaa dadweynaha reer Somaliland ee waqooyiga Ameerika kala qayb galay Wasiirka Waxbarashadda iyo Sayniska, Wasiir Kuxigeenka Horumarinta Caafimaadka iyo wakiiladda saddexda xisbi qaran ee dalka Maraykanka.
Waxaana xafladdaa lagu go'aamiyay in muwaadiniinta reer Somaliland ee qurbo jooga ah oo ka shidaal qaadanaya hal-ku-dhiga sanadka 2022 oo ah "AQOONSI IYO AAYATIIN WACAY ' ay 12 bilood ee soo socda codsiyo aqoonsi raadis ah (Petition) u gudbitaan goleyaasha xeer dejinta iyo fulinta ee wadamadda ay degen yihiin.
WASIIRKA WAXBARASHADDA OO DABAALDEGII SANAD GUURADDII 31AAD EE MAALINTA QARANIMADDA SOMALILAND KAGA QAYB GALAY COLUMBUS, OHIO USA
Wasiirka Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo socdaal shaqo ku tegat dal weynaha Maraykanka ayaa dabaal deggii SANAD GUURAADDII 31AAD EE MAALINTA QARANIMADDA Somaliland kaga qayb galay magaaladda Kolambas ee gobolka Ohaayo.
Xubnaha golaha wasiiradda ayaa qurbajooga Somaliland ee gobolka Ohaayo uga waramay horumarka dalka iyo hiraalka la higsanayo, iyo haboonaanta wadajirka ummadda.
Waxaana la isla qaatay arrimaha soo socda ee ku salaysan "HAL-KU-DHIGA" Sanad guuradda 31aad ee qaranimadda oo ah "AQOONSI IYO AAYATIIN WACAN"
1. Inay qurbojoogu ay "codsiga aqoonsiga Somaliland u gudbiyaan goleyaasha xeer dejinta iyo fulinta ee dalalka ay degen yihiin
2. In la soo saaro cilmi baadhiso Somaliland ku saabsan oo lagu faafiyo jaamacadaha, ururadda iyo dalad daneedyada (lobby groups) dunida
3. Inay qurbe joogu kaalin muhiim ah ka qaataan horumarinta waxbarashadda, caafimaadka, xoolaha iyo biyaha.