Xil-wareejinta Wasaaradda Wabarashada Barbaarinta iyo Sayniska JSL
Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimey oo lugu qabtay xarunta dhexe ee wasaaradda waxbarshada barbaarinta iyo sayniska JSL ayey maanta xilkii kula wareegeen, wasiirka cusub Md.Ismaaciil Yuusuf Ducaale, wasiiru-dawlaha cusub Maxamed Yuusuf Faacuul oo kala wareegay, wasiirkii hore Dr.Axmed Aadan Buuxane iyo wasiir ku xigeenkiisii Md.Axmed Yaasiin Muxammad Yuusuf (Dhegey).
Munaasibadan ayey ka soo qayb-galeen masuuliyiinta kala duwan ee wasaaradda waxbarshadda iyo sayniska, saraakiil ka socotay hay'adaha caalamiga ah ee wada-shaqaynta la leh WW&S, madax iyo masuuliyiin kala duwan oo ka socda hay'adaha kala duwan ee qaranka.
Guud ahaan, musuuliyiintii halkaa ka hadashay ayaa ku dheeraaday ahmiyada ballaadhan ee ay wasaaradda waxbarshada barbaarinta iyo saynisku ugu fadhido qaranka iyo sida loogu baahan yahay sidii kor loogu sii qaadi lahaa adeegaa aas'aasiga ah ee ay dalka iyo dadka ba u hayso.
Xafiiska Warbaahinta WW&S
ALLAA MAHAD LEH