Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo Sayniska JSL Prof.Ismaaciil Ducaale yuusuf oo uu weheliyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo Sayniska Md.Maxamed Yuusuf Ibraahim (Faacuul) ayaa kormeeray xafiisyada xarunta Wasaaradda Waxbarashada.

Ujeedada kormeerkan ayaa ahayd sidii Wasiirka iyo Wasiiru-dawluhu ugu kuur gali lahaayeen habsami u socodka shaqada ee xafiisyada wasaaaraddu, iyagoo mid mid u galay dhamaanba xafiisyada ay ku shaqeeyaan waaxyaha kala duwan ee wasaaraadu waxaana halkaa kusoo dhaweeyay agaasime waaxeedada iyo shaqaalaha wasaaradda iyagoo dhamaantood xafiisyada ku soo dhaweeyay Wasiirka iyo Wasiiru-dawlaha. Waxaana ay warbixin qoto dheer ka bixiyeen shaqada baaxada leh ee xafiisyada ay joogaan qabtaan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo Sayniska JSL Prof.Ismaaciil Ducaale Yuusuf iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo Sayniska Md.Maxamed Yuusuf Ibraahim (Faacuul) ayaa dhankooda u mahadnaqay Agaasime waaxeedada iyo shaqaale weynaha Wasaaradda Waxbarashada sida ay heeganka ugu yihiin inay bulshada ugu adeegaan si hagar la'aan ah.


Xafiiska Warbaahinta W.W.B&S JSL
ALLAA MAHAD LEH