Wasiirk Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Dr Axmed Aadan Buuxane ayaa ka qayb galay shirka Agaasime waaxeedada Wasaaradda waxbarashada.

Shirkan oo ka dhacay xafiiska wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa waxa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Cabdixakiin Siciid Bustaale, gudoomiyaha waxbarashada gobolka maroodi-jeex, gudoomiye ku xigeenka xafiiska imtixaanaadka iyo dhamaanba Agaasime waaxeedada Wasaaradda Waxbarashada, Shirkan ayaa guud ahaanba lagaga hadlaayay horumarinta waxbarashada dalka gaar ahaana sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada.