Shirkan waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda waxbarashada , wasiir ku xigeenka, agaasimaha guud, wasiirka isgaadhsiinta, wasiirka qorshaynta qaranka, agaasimaha mac-hadka shaqalaaha dawladda, maayir ku xigeenka caasimada iyo hay’addaha la shaqeeya wasaaradda waxbarashada, madax iyo mudan tiro badan.
Cabdirisaaq Jaamac Nuur agaasimaha guud oo ugu horayn shirka ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay labadan shir iyo u jeedooyinka ay xambaarsan yihiin isagoo u mahadceliyay dhamaanba kasoo qayb galayaasha shirka hay’addaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Geestooda waxaa halkaas ka hadlay madaxda hay’addaha caalamiga ah iyagoo wasaaradda waxbarashada ku amaanay dadaalka dheeraadka ah ee ay ugu jirto sidii waxbarasho loo gaadhsiin lahaa bulsho weynta reer Soomaaliland dhankoodana ay diyaar u yihiin wixii taageero ah ee ay ku taageeri karaan adeega waxbarashada.
Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka, wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta ,Maayarku xigeenka caasimada Hargeysa, gudoomiyaha gudiga waxbarashada qaranka oo halkaa ka hadlay ayaa dhamaantood ku dheeraaday muhiimada waxbarahadu leeday, iyagoo wasaaradda waxbarashadana ku bogaadiyay dadaalada ay ugu jirto bixinta adeeg waxbarasho oo dhamaystiran.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Dr Axmed aadan buuxane, oo gunaanadkii halkaas ka hadlay shirkan iyo daah-furka mashruuca GPE ga ayaa ka waramay barnaamijkan iyo ahmiyada uu leeyahay iyo hiigsiga wasaaradda waxbarashada ee bixinta adeega waxbarashada.