Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL oo ay weheliyaan Gudoomiye ku xigeenka hay’adda shaqaalaha dawlada, agaasimaha guud ee hay’adda shaqaalaha maamulka iyo masuuliyiinta gobolka Sanaag ayaa furay imtixaanka macalimiinta ku meelgaadhka ah ee gobolkaas.

Imtixaankan ayaa waxa u fadhiistay 718 macalin kuwaas oo ka hawl gala dhamaanba dugsiyada dawliga ah ee gobolka Sanaag , Gobolka Sanaag ayaa noqonaya gobolkii 4aad ee Hay'adda Shaqaalahu iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada ay ka qaado imtixaankan.
 

Saddexdii gobol ee hore looga soo qaaday imtixaanka macallimiinta ayaa la siiyay natiijadii imtixaanka iyada oo macallimiinta guulaystay ay si rasmi ah uga mid noqonayaan Shaqaalaha Dawladda halka macallimiinta soo hadhayna ay sii wadi doonaan macallinimadii kana hawl geli doonaan Dugsiyadii ay hore uga hawl geli jireen, iyada oo sida ay u kala sareeyaan loo Kala qaadan doono marka marka ay soo baxaan fursado cusubi.
 

Agaasimaha guud ee W.W&S Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Naakhuude) oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Masuuliyada shaqada ay leedahay Hay'adda shaqaalaha dawladu waajibka wasaaraduna yahay in la la hubiyo uun intii aan soo bixina ay si rasmiya ku meel-gaadh u noqon doonaan islamarkaana ay ku jiri doonaan liiska sugitaanka ee u diwaan gashan wasaaradda waxbarashada markay ay yimaadaan fursadaha cusubina iyaga la qaadan doono.
 

Xafiiska Warbaahinta W.W&S JSL