Tababarka Barashada Dastuurka iyo Waddaniyadda Shaqaale-waynaha W&W&S JSL

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf oo uu weheliyo agaasimaha guud ee W.W&S Cabdirisaaq Jaamac Nuur ayaa maanta Tababar ku saabsan barashada Dastuurka iyo Waddaniyadda u furay Shaqaale-waynaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL.

Ugu horeyn waxa munaasibadaasi ka hadlay agaasimayaasha Waaxyaha Cudduda shaqaalaha ee Wasaarradaha Waxbarashada & Sayniska iyo Xidhiidhka Goleyaasha & Arrimaha Dastuurka Somaliland .
Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland oo Munaasibadaasi ka hadashay ayaa Shaqaale-waynaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland uga Mahadnaqday sida wanaagsan ee ay tababarka uga soo qayb galeen iyo weliba sida ay ugu diyaarsan yihiin in ay ka faa'idaystaan tababarkaas oo wax wayn ka tari doona in muwaadiniinta la gaadhsiiyo adeegyo Dawladeed oo tayadoodu Sarayso .

Dhinaca kale waxa isna madashaas ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Naakhude) oo shaqaalaha Wasaaradda ugu baaqay in ay ka faa'idaystaan tababarka Dastuurka iyo Waddaniyadda ee Shaqaale-waynaha Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ay u qabanayso wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha dastuurku.

Xafiiska Warbaahinta W.W&S JSL.