Munaasibadan oo lagu qabtay xarunta guud ee Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka JSL ayaa waxa ugu horeyn, ka hadlay Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa'uud Axmed Faarax waxaanu faah'faahin ka bixiyey imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasallada 12-aad ee dugsiyada sare iyo fasallada 8-aad ee dugsiga dhexe.
Sidoo kale, agaasimaha guud ee WW&S Md.Mustafe Cumar Faarqx oo munaasibadaa ka hadlay ayaa sheegay, in guud ahaan natiijada imtixaankaasi si guul ah ku soo dhammaaday. Waxaanu agaasimaha guud uga mahadnaqay Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka iyo hawl-wadeenadii ka qayb-qaatay habsami u socodkii hawlihii imtixaanaadka shahaadiga ahaa ee sannad dugsiyeedka 2023-2024.
Ugu danbayn, wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Dr.Axmed Aadan Buuxane oo munaasibadaa soo xidhay ayaa halkaa ka sheegay, in ay wasaaradda waxbarshaddu deeq waxbarasho oo bilaash ah siin doonto ardayda kaalmaha hore ka gashay imtixaankaas.