KULLANKA WAXBARASHADDA REER MIYIGA SOMALILAND

KULLANKA WAXBARASHADDA REER MIYIGA SOMALILAND

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga, Agaasimaha Guud, agaasime waaxeedyo iyo xeel-dheereyaasha labaddaa wasaaradood ayaa maanta kulan lagu lafoguraayay horumarinta waxbarashadda reer miyiga ku yeeshay Xafiiska Wasiirka Waxbarashadda iyo Sayniska ee magaaladda Hargeysa.

Kulan laba geesood ah ayaa lagu gorfeeyay horumarinta waxbarshadda reer Miyiga, iyadoo la isla qaatay in la sii ambaqaado BARNAAMIJKA WAXBARASHADDA MIYIGA ee AQOONJIRE oo ay curisay Wasaaradda Waxbarshada iyo Sayniska oo hadda socda.
Labaddaa wasaaradood iyo dhinacyadda kale ee ay khusayso ayaa ka wada shaqaynaya barnaamijka AQOON-JIRE oo ku salaysan tiknoolajiyadda casriga ah ee ku shaqaysa Tamarta Qoraxda.

Qodobaddii kulankaa ka soo baxay waxaa ka mid ahaa
1. In labada Wasaradood si wadajir ah uga hawl galaan horumarinta waxbarshadda reer miyiga.
2. In la sameeyo DALADDA WAXBARASHADDA MIYIGA oo magaceeda la yidhaahdo DALLADDA AQOONJIRE oo ka kooban labada wasaaradood iyo daneeyayaasha Waxbarshadda iyo horumarint reer miyiga.
3. Inuu qabsoomo kulan bile ah oo ay ka qayb gallaan xubnaha DALADA AQOONJIRE ee horumarinta waxbarashadda reer miyiga.
4. In la mideeyo khayraadka horumarinta reer miyiga si ay waxtar ugu yeelato deegaanada miyiga ah.
5. In la sameeyo cilmi baadhis iyo sahan xog-sugid ah si go'aamo iyo talo-wadaag xog iyo xaqiiqooyin ku salaysan loogu hogaamiyo horumarinta deegaamada miyiga ah.

Xafiiska Warbaahinta W.W&S JSL.